Anda di halaman 1dari 2

Qore: Abukar Hirabe (hirabe8@hotmail.

com)

ARRIMAHA QOYSKA SOOMAALIYEED

Qoysku waa xubin muhiim ah. Ummad kasta waxay ka kooban tahay qoysas isu tegay. Haddi
qoysku xumaado, waxay ka dhigan tahay in tiirarkii ummadu ku taagneyd mid ka mid ah uu
xumaaday. Qoysku wuxu ka kooban yahay Aabe, Hooyo iyo ilmahooda; wuxu u dhisan
yahay sidi dawlad yar. Madaxda qoysku waa Aabaha oo ah Madaxweynaha , Hooyada oo ah
Raisul Wasaaraha iyo ilmaha oo ah shacabka ay maamulaan. Wada shaqeynta labadaan
mas’uul ee qoyska waa muqadas, allaha weyn ayaa ku waajibiyay, waayo, Ilaahey ayaa ku
sababay iney ubadkoodu aduunka yimaadaan.

Dawlad kasta ee aduunka ku dul taal waxay ka kooban tahay Qoysas isu tegay . Ummad
fiican waxay ka dhex dhalataa qoysas fiican ; sido kale dawlad xun waxay ka dhex dhalataa
qoysas xun. Iyadoo taasi tahay wax si cad loo ogaaday, oo weliba duruus ahaan loogu dhigo
Iskoolaadka aduunka (family studies), ayey waajib ku noqotay mas’uuliyiinta qoys kasta iney
si wanaagsan u barbaariyaan ubadkooda; waayo ubadku waa madaxdi mustaqbalka
hogaamin lahayd ummada.

Mar hadaan ogaanay in ubadku yahay laf dhabarka ummad kasta ee dunida ku dulnool; sidee
baan u barbaarin karnaa ubad fiicaan oo qaadi kara mas’uuliyad ummad dhan oo ka kooban
malaayiin qof oo wadan ka ah muwaadiniin ? Hadaba maadaama labada mas’uul ee qoyska ,
Aabaha iyo Hooyadu , ay yihiin kuwa Ilaahey ka abuuray ubadkooda, iyaga ayaa ah
macalimiinta ugu horaysa oo ubadku wax ka bartaan. Waan ognahay iney ilmuhu dhashaan
iyagoo ah warqad cad oo aan waxba ku qornayn. Waxa la ogaaday in ilmuhu yihiin dad yar
yar (little people) oo wax garanaaya, laakiin aysan lahayn luqo ay ku hadlaan.

Sidee baa qoysku u barbaarin karaa ubadkooda? Su’aashaan waa mid looga jawaabi kara
siyaaba kala duwan. Ilaahey ayaa marka hore ah kan kugu kaalmeyn kara in aad barbaarisid
ubad fiican, laakiin labada waalid ayaa laga rabaa iney gartaan waajibaadka Ilaahey korkooda
ka yeelay oo ah iney ka ilaaliyaan wax alla wixi ubadkooda barbaarin xumo ukeeni kara :
Maxaa keeni kara in ilmuhu xumaan ku barbaaraan? Waxa keeni kara waa waxyaaba badan,
waxaase ka mid ah:
 Qilaaf ka dhexeeya labada mas’uul (Aabaha iyo Hooyada)
 Haddey xalin waayaan qilaafkooda, waa iney ka ilaalshaan in ilmuhu fahmaan.
 Aabaha iyo hooyada oo Ilmaha hortooda ku dagaalama iskuna aflagaadeeya.
 Ilmaha oo la caayo
 Waa hubaal in ilmuhu xumaanayaan haddey waayaan laba waalid oo isla nool.
 Ilmaha oo mid la faansho midna la caayo
 Waa in ilmaha laga ilaaliyo in lagu hor yiraadho war dhaawacaaya makaxdooda
 Inkastoo xantu dembi tahay, waa in aan ilmaha hortooda lagu xantamin
 Waa in ilmaha laga ilaalsho in looga sheekeeyo xumaan iyo cadawtinimo qoyskooda iyo
qoys kale ama deriska ka dhexeysa.
 Waa in aan loo gudbin ilmaha sunta qatarteedu u dhiganto cudurka “Kansarka” oo ah
“Qabyaalada”
 Ilmihi sidaa xun loo barbaarshay oo cadawtinimada qabyaalad laga buushay waa kuwa
Ilaahey ku sababay iney dugaag noqdaan oo ay inta qori qaateen jidadka u taagan oo
xornimo udiiday ahalkoodi oo dhan.

Anda mungkin juga menyukai