Anda di halaman 1dari 2

ISHMAEL MIRE

(Dervish Commander)
RAGOW KIBIRKA

ARROGANCE IS NOT GOOD FOR GENTLE MAN

WW II - Dulbahante Country
Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille Kulligiiba Reer Hagar anaa kiin ah baa rogaye Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye

Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye Kashiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye Ka shib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye

NB: HITLER STANZA DELETED ON PURPOSE!

Anda mungkin juga menyukai